4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Shirwaynaha Maalgashiga Dowlad Degaanka Soomaalida oo maanta Jigjiga ka lagu qabtay
 

Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay shirwaynaha maalgashiga Dowlad degaanka Soomaalida oo ay kasoo qaybgaleen Maalgashadayaal u badan Soomaali, iyo martisharaf kasocotay heer caalami.

Shirkan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, wuxuuna kasoo qaybgalayaashii shirka uga warbixiyay xaaladihii kala gadisnaa ee degaanku soo maray kahor isbadalkii dalka ka dhacay, wuxuuna xusay in xukuumadda hadda degaanka ka jirta ay diyaar u tahay furfurni dhanka dhaqaalaha ah iyo maalgashiga suuqa xorta.

Shirkan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay masuuliyiintii iyo maalgashadayaashii kasoo qaybgalay shirwaynahan.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online
Jigjiga