4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda oo sheegtay in weerarkii Beled-Xaawo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo Kenyaan ah

 

Isniin,  Janaayo, 25  2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjartay sida uu hadalka u dhigay weerar xalay saqdii dhexe degmada Beled-Xaawo ay ku soo qaadeen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay soo tababareen.

Wasiir Dubbe ayaa intaa ku darray in dagaalka ay ku qabteen ilaa 100 maleeshiyaad ah oo ka mid ahaa xoogaggii weerarka soo qaaday, madaama ayuu yiri ciidanka dowladda ay markii horeba diyaar u sii ahaayeen duulaanka dhinaca dowladda Kenya.

''Maleeshiyaadka lagu qabtay dagaalka ciidamada dowladda waxaa ay ku hayaan goob amaan ah iyaga oo ilaalinaya xeerarka maxaabiista dagaalka'' ayuu yiri Wasiir Dubbe oo Muqdisho kula hadlayay warfidiyeenka.

Eedeynta ah in ciidanka dowladda Soomaaliya ay Beled-Xaawo kula dagaalameen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad ayaa muujineysa khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dowladood, iyadoo marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed iyo Qarannimada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]