4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda Soomaaliya'' Waxaan cambaareyneynaa duulaanka gardarada ah ee laga soo abaabulay Kenya

 

Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay wax ay ku tilmaamtay duulaan gardaro ah oo laga soo abaabulay dalka Kenya kaddib dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa lagu yiri'' Waxan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ek u dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo.".

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Kenya ay gudaha dalkeeda ku tababareyso Jabhad sida ay hadalka u dhigtay uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kuwaa oo loo diyaarinayo in ay weerar ku soo qaadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogagga dalka Soomaaliyeed  si geesinimo leh  isaga difaaceen duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay waa sida uu hadalka u dhiggay Wasiirka ee xalay lagu soo qaaday degmada Beled-xaawo.

Wali waxaa jira khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo salka ku haya maamulka iyo gacan ku heynta Gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]