4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Dagaal culus oo galabta ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug

 

Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dagaalka galabta ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay madaafiic dhowr ah ku tuureen, taasoo keentay in ku baxaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal culus la galay dagaalyahannada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku sugnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku amaanay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka sida ay isaga difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday.

Marar badan oo horeAl-Shabaab ayaa  weerar ku qaaday Bacaadweyne, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay dagaalka galabta ka dhacay Bacaadweyne oo ahaa mid culus.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]