4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Amaanka magaalada Muqdisho oo siweyn loo adkeeyay

 

Axad, Janaayo, 24  2021 (HOL) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay siweyn u adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan kaddib qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday.

Howlaglkan oo u muuqda mid qorsheysan ayeey ciidamadu ku baarayaan gaadiidka dadweynaha iyo  gaarka loo leeyahay, iyaga oo sidoo kalana su'aalo weydiiyay dadka ay ka shakiyaan.

Amaan darrada magalada Muqdisho ayaa imaneysa xili dhinaca kale dalku uu isku diyaarinayo doorasho guud oo heer Qaran ah, waxaana dhinaca kale jira eedeymo loo jeedinayo dowladda oo ah in ay ka gaabisay wax ka qabashada nabad-galyada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii labo xildhibaan hore lagu dhaawacay qarax lagu weeraray gaari ay la socdeen oo marayay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho  halka sidoo kalana ay ku dhinteen afar ilaalo ah oo la soctay gaariga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]