4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Laamaha Amniga Galmudug oo shan ruux u soo xir xiray dil ka dhacay degmada Caabudwaaq

 

Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Laamaha Amniga dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ilaa shan ruux u soo xir xiray dil dhawaan ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Dadka xabsiga loo taxaabay ayaa ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen Ganacsade lagu magacaabo Ibraahim Axmed Dhageey waxaana lagu wadaa in sida ay sheegeen saraakiisha hay'addaha Amniga in shanta ruux la horkeeno cadaallada.

Howlgalka lagu soo qab qabtay shanta ruux ayaa waxaa iska kaashaday laamaha Amniga degmada Caabudwaaq iyo Ballanbale, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba deegaannadaa ay ka dhacayeen dilal la xiriira aano qabiil.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]