4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Sabti, Janaayo, 23  2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxniamadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen deegaanka Raage Ceelle.

Dadka deegaana ayaa sheegaya in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka kaddib looga itaal roonaaday ciidamada dowladda federaalka taasoo keentay in Al-shabaab ay la wareegaan deegaanka.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa baraha bulshada ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanka Raage Ceelle oo horay ay sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhinaca kalana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo la xiriira dagaalka ka dhacay Raage Ceelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]