4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Taliyayaal loo xiray falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

 

Khamiis, Janaayo, 21  2021 (HOL) - Waxaa soconaya baaritaan la xiriira dil xalay saqdii dhexe degmada Hodan ee gobolka Banaadir loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Laamaha nabad-galyada ayaa su'aalo weydiinaya oo soo xiray taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Howl-wadaag iyo Waabari, sidoo kale waxaa iyaguna xabsiga loo taxaabay ciidamadii ku sugnaa barta-koontarool ee lagu rasaaseeyay gaariga uu la socday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa xiliga la dilayay marayay degmada Howl-wadaag waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaarigiisa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Shaley ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daweynayay dhaawacyo ka soo gaaray qarax sanadkii hore lagu weeraray gaari uu la socday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]