4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Qarax khasaare sababay oo Muqdisho lagula eegtay gaariga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid

 

Arbaco, Janaayo, 20  2021 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax magaalada Muqdisho lagula eegtay gaariga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaano la xiriira qaraxa.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii sidan oo kale qarax loo dhigay gaari ay la socdeen lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsanaa maamulka deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]