4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Ururada siyaasada Puntland oo shaki iyo walaac xoogan ka muujiyay kalsoonida garsoorka Puntland
 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Ururada siyaasada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay kalsoonida hay’addaha garsoorka Puntland iyo dhaqmid la’aanta dastuurka, xilli ay Puntland isku diyaarinayso in ay u guurto nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyada ku salaysan.

Masuuliyiin katirsan ururada siyaasada oo ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay guddiga doorashada, ayaa waxay sheegeen, marka loo eego dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriiray arrimaha garsoorka, in ay shaki iyo walaac galiyeen tartanka ururada siyaasada ee doorashada soo socda.

“Haddayno dhacdooyinkii dhacayay aynu argnay, maxay noqon kartaa waxyaabaha ka imaan kara ururada, ma isku hallayn karnaa garsoorka hadda jira? Ma isku hallayn karnaa dastuurka? Yaase u qareemaya ururada?” ayuu yiri Abshir Cumar Haruuse oo ah xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Mideeye.

Puntland ayaa qorsheynaysa bisha July ee sannadkan in ay qabato doorashadii ugu horraysay ee ay ururada siyaasada ku loolami doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee saddex degmo oo tijaabo ah.

Hay’addaha garsoorka Puntland ayaa dhalleecayn kala kulmay habka loo maray xasaanad ka qaadida siddeed xildhibaan oo katirsan barlamaanka Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay fowdo ka dhex sameeyeen xarunta golaha.

Maalmo ka hor xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ayaa soo saaray qoraal uu ku baaqayo in dib loogu laabto hannaankii loo maray in xasaanada laga xayuubiyo xildhibaanada, isagoo xafiisku sheegay in la baalmaray qodobo dastuuri ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]