4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Joe Biden oo maanta xafiiska la wareegaya

 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in uu xafiiska si rasmi ah ula wareego madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joseph Robinette Biden Jr.

Joe Biden ayaa xafiiska Aqalka Cad kala wareegaya, madaxweyne Donald Trump oo magaaladan Washington D.C ka tagayo duhurnimada maanta, si uu u daggo qasriga uu ku leeyahay deegaanka la tamashla tago ee Mar-a-Lago ee gobolka Florida.

Joe Biden ayaa lagu wadaa in marka uu xafiiska la wareego uu wax ka badal ku sameeyo tallaabooyin dhowr ah oo uu horay u qaaday madaxweyne Trump, waxaana ka mid ah in uu xayiraada ka qaado dadka ka imanaya wadamada muslimka oo ay Soomaalidu ku jiraan.

Trump oo khudbadiisii ugu danbeysay jeediyay ayaa yiri ''Waxaa uu Trump yiri: "waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba."

Laakiin iyadoo uu xila wareejinayo haddana wali waxaa muuqata in uu si cad u qiran guul daradii uu kala kulmay doorashadii looga adkaaday ee dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]