4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida

 

Sabti, Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow oo xilka muddo dheer ku soo shaqeynayay ayaa laga qaaday iyadoo loo magacaabay mas'uul cusub.

Xilka guddoomiyaha  Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa loo magacaabay Maxamuud Axmed Xassan Dalab.

Mas'uulkan xilka loo dhiibay oo ka soo jeeda dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa  horay u soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Xukuumaddii Ra'iisal Wasaare Saacid, isaga dhinaca kalana ka soo shaqeeyay hay'addaha kala duwan ee nabadgalyada iyo maxkamadaha dalka.

Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa noqonaya shaqsigii ugu waqtiga dheeraa ee ku soo shaqeeya xilka guddoomiyaha maxkamada Ciidamada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]