4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Qaraxii lala eegtay InjineerradaTurkiga

 

Sabti, Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho kaa oo lala eegtay Injineerrada Turkiga ah ee ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Macallimuu ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka ah, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada nabadda iyo horumarka u diiddan.

Dowladda oo dhinaceeda war ka soo saartay qaraxan ayaa sheegtay in ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo uu ka mid ahaa muwaadin u dhashay dalka Turkiga sidoo kalana jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar kale oo ka mid ahaa howlwadeennada dhismaha wadada.

Qofka weerarkan fuliyay ayaa la sheegay in ciidamadu markii hore ka shakiyeen, hasse ahaatee uu si deg deg ah isku qarxiyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]