4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Maraykanka oo ka hadlay labo weerar oo duqayn oo uu ka geytay gobolka Shabeelada hoose
 

Sabti Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanayay dowladda federalka Soomaaliya ayaa labo weerar oo duqayn ah  ka fuliyay Soomaaliya, isagoo la bartilmaameesaday kooxda Alshabab.

Labada duqeynba ayaa lala beegsaday xeryaha al-Shabaab ee agagaarka Kunyo Barrow, oo katirsan gobolka Shabeeladda hoose.

Talisku wuxuu sheegay in qof rayid ah uusan ku dhaawacmin ama ku dhiman hawlgalkan, iyagoo sheegay inay ku burburiyeen goobaha bartilmaameedka u ahaa labada weerar.

"Tallaabadani waxay si cad u muujineysaa sida ay nooga go'antahay taageerada Soomaaliya iyo saaxiibbada gobolka," ayuu yiri Maj. Gen. Joel Tyler, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Taliska Mareykanka ee Afrika.

Warbixinta laguma xusin in lagu dilay xubno katirsan Alshabaab.

Warar maantadii hore la baahiyay waxay sheegayeen in duqayntan lala eegtay xaruntii idaacadda Andulus ee kutaalay tuulada Kunyo barow.

Waa duqayntii ugu horaysay uu Maraykanku ka geysto Soomaaliya sannadkan cusub. Maraykanka ayaa sheegay in uusan joojindoonin beegsiga Alshabaab, xitaa haddii uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]