4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2021
Turkiga oo xaqiijiyay in muwaadiniin u dhashay dalkiisa ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Lafoole
 

Sabti Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu dilay  ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkiga oo ka shaqeynayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in hal qof oo Turkish ah uu ku jiro dadka ku geeriyooday qaraxa.

Waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan afar kale oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa ismiidaamintii  ugu horeeysay oo Alshabaab geystaan sannadkan cusub.

"Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun," ayaa lagu yiri qoraalka. Xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ay garab istaagi doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Weerarka oo ay sheegatay kooxda al-Shabaab, ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jira Injineero iyo shaqaale dhisme oo ka shaqeynayay dhismaha wadada ah Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarkii maanta ayaa yimid saacado kadib markii dowladda Maraykanka ay duqeyn cirka ah la beegsatay idaacadda al-Shabaab ee Andalus oo kutaala tuulada Kuunyabarow, ee gobolka Shabeellada Hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]