4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Sambalooshe: Gobolka Hiiraan waa agoon, cid danihiisa wax iska weydiinaysa ma jirto
 

Sabti Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe oo kamid ah ka qeyb galayaasha shirka Heritage ee ka socda magaaalda Garowe, ayaa ugu baaqay madaxda shirka ka qeyb galaysa in fiiro gaar ah loo yeesho waxa ka socda gobolka Hiiraan.

Sambaloosha ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay gobol la iska hilmaamay oo aan mar walba lagusoo hadal qaadin doodaha la xiriira arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay gobol agoon ah.

“Madaxda dowlad goboleedyada, murashixiinta iyo siyaasiyiinta aan anigu ugu horeeyo waxaan ka hadalnaa Gedo oo kaliya, waxaan lasoo hadal qaadin oo mar walba agoon ah waa gobolka Hiiraan,” ayuu yiri siyaasi Sambalooshe.

Sambalooshe ayaa ku baaqay bayaanka kasoo bixidoona shirka Heritage oo maanta lasoo gabagabaynayo in lagusoo daro xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]