4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Madaxweynaha Uganda oo ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa iyo dalal shisheeye inay wadaan qorshe lagu qalqal galinayo doorashada bishaan
 

Sabti Janaayo, 02, 2021 (HOL) - Xilli uu dalka Uganda isku diyaarinayo doorashada Janaayo 14, ayaa madaxweynaha Uganda ahna taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida, Gen. Yoweri Museveni, wuxuu Maj Gen Kayanja Muhanga u magacaabay madaxa isku duwaha howlaha amaanka ee Kampala.

Muhanga wuxuu ahaa abaanduulihii ciidamada Uganda ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2014 & 2016.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu hayo macluumaad ku saabsan in xisbiyada mucaaradka oo ay taageerayaan shisheeyaha, ay qorsheynayaan inay qalqal galiyaan ammaanka dalkiisa iyo doorashooyinka.

Waxaa kale oo madaxweyne Yoweri Museveni uu intaas ku daray in qaar ka mid ah dhalinyaro uu dhowaan la kulmay ay u sheegeen inay jiraan qorshayaal lagu gubayo magaalada Kampala.

Uganda waxay aadeysaa doorashooyin bisha Janaayo. 10 musharax ayaa doonaya inay jagada kala wareegaan madaxweyne Yoweri Museveni.

Museveni ayaa dalkaas soo xukumayay 34-kii sano ee la soo dhaafey. Dadka wax falanqeeya ayaa u arka doorashada inay tahay doorasho adag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]