4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Duqeyn diyaaradeed oo lagu weerarray xarun Idaacadeed oo ay leeyihiin Al-shabaab

 

Sabti Janaayo, 02, 2021 (HOL)  - Wararka naga soo gaaraya gobolka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu weerarray xarun Idaacadeed oo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunyo -Baroow.

Idaacada la weerarray ayaa lagu magacaabaa Al-andulus oo ka mid ah warbaahinta Al-shabaab ay u adeegsadaan weerarkooda, waxaana jira khasaare dhinaca qalabka ah oo soo gaaray Idaacada sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.

Laakiin dhinaca Al-shabaab oo iyagu dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku wax-yeeloobeen dad shacab ah kaddib markii ay diyaaraduhu ku soo tuureen xarunta ilaa Afar Gantaal.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka oo la xiriira duqeyntan ugu danbeysay ee ka dhacday deegaanka Kuunyo-Baroowe. 

Duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsado xarumaha Al-shabaab ayaa aad ugu badan deegaannada dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose oo ka mid dhulka ay sidda weyn ugu xoogga yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]