4/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Jaaliyadda reer Hiiraan ee magaalada Nairobi oo la kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed




Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa magaalada Nairobi kula kulmay jaaliyadda reer Hiiraan.

Kulankaan oo ay si wadajir u soo qaban-qaabiyeen Axmed X. Cilmi Guure, Cabdulqaadir Sheekh Muumin iyo Maxamed Ganeey ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ay xaruun uga furan lahayd magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Inta uusan guda-galin ujeedadii kulanka, ayaa Prof. Jimcaale wuxuu xasuusiyey jaaliyadda reer Hiiraan in wadjirka iyo mid-nimadda reer Hiiraan ay asaas u tahay hurumarka shacabka. Wuxuu sidoo kale Prof. Jimcaale sheegay in gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ay tahay meelaha ugu badan ee ay ka soo baxaan ardayda dugsiyada sare, loona baahay in ay helaan waxbarasho tayadeedu sarreeyso oo ay la sii hanaqaadaan ayaga oo jooga isla gobolka Hiiraan.

Prof. Jimcaale ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo marxaladii kala duwanaa oo ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinkii laga kumlay. Wuxuuna sheegay in Jaamacadda hadda ay leedahay ilaa shan (5) xaruumood. Seddex (3) Xaroomood oo ka furan Xamar, xaruumu ka kala furan magaalooyinka Caabud-Waaq, G. Gal-Gaduud iyo Badhan, G. Sanaag.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Aw-daahir. Wasiirka ayaa ka warbixiyey muhamadda ay leedahay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay xaruun ka furato magaalada Beledweyne.

Jaaliyadda reer Hiiraan ayaa dhankooda uga mahadceliyey Guddoomiyaha waxeyna ballan-qaadeen in ay bilaabidoonaa olole ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan sidii si deg-deg ah ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xaruun uga furan lahayd magaalada Beledweyne.

Kulanka guddoomiyaha ka dib, ayeey jaaliyadda iska soo dhex-saareen todobo xubnood oo soo diyaariyo kulan ballaaran oo ay jaaliyadda qayba-heyda kala duwan ka soo qayb-galaan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/19/2021 12:57 PM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo goor dhaw ka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay hoggaamiyayaal caan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

1/19/2021 11:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ee ku taal badda Aegean, ayaa soo badbaadiyay 27qof oo muhaajiriin ah kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.

1/19/2021 8:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay warka sheegaya in lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Waqooyiga Itoobiya dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

1/19/2021 7:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in sagaal wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto iyo dalka Iran inay luminayaan xuquuqdooda codbixinta sida ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ka dib markii ay iska bixin waayeen xuquuqdooda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay.

1/19/2021 6:11 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War ka soo baxay guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay n gabi ahaanba diiwaanka Xisbiyada dalkaasi laga saaray TPLF oo ah xisbi ay ku xoogganaayeen hoggaanka Tigrayga ee looga adkaaday dagaalkii dhawaanta ka dhacay Waqooyiga dalka Itoobiya.

1/19/2021 5:57 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Mashallaay oo ka tirsan degmada Qoryooley.

1/19/2021 3:08 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin

1/19/2021 2:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeegloow ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab.

1/19/2021 12:10 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) -Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku baaqay in xal kama danbeys ah laga gaaro xiisada siyaasadeed ee ka jirta labada gobol Hiiraan iyo Ged oo ka kala tirsan maamul gobolleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

1/19/2021 12:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ku matala gobolka Hiiraan.

1/19/2021 12:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warar soo baxay oo sheegaya in dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ka qeyb qaateen laguna laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo TPLF