4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Qarax lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - War goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada  deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin,

Sidoo kale  waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]