4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Duqeyn lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeegloow ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM  ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun muhiim ah oo ku lahaayeen gobolka Bakool, laakiin ma aysan sheegin xaruntaasi aheyd mid militari iyo in kale.

Dadka deegaanka ayaase warbaahinta u sheegay in goobta la duqeeyay aheyd xarun Idaacadeed oo ay Al-shabaab halkaa ku lahaayeen.

Taliska Mareykanku wuxuu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeeglow aysan jirin cid wax ku noqotay oo rayid ah.

Dhawaan ayeey aheyd duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay  ku beegsadeen xarun Idaacada Andalus ku laheyd deegaankaas.

Maalmihii ugu danbeeyayba Mareykanka ayaa joogteeyay duqeymaha cirka ah oo ay ku beegsanayaan xarumaha kala duwan ee xoogagga Ururka Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]