4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Heritage oo ku baaqday in la xaliyo xiisada ka jirta gobollada Hiiraan iyo Gedo

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021 (HOL) -Machadka daraasaadka ee Heritage  ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku baaqay in xal kama danbeys ah laga gaaro xiisada siyaasadeed ee ka jirta labada gobol Hiiraan iyo Ged oo ka kala tirsan maamul gobolleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Machadka ayaa sheegay in uu ku baaqayo ka hor doorashada in dib-u-heshiisiin rasmi ah laga dhax bilaabo dhinacyada isku khilaafsan labada maamul, iyo xalinta tabashada ay qabaan beelaha qaar, waxaana uu intaa ku darray in uu ku talinayo in dib loo dhiggo doorashooyinka labada gobol inta laga xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhax jira.

''Waxaan ugu baaqeynaa in dowladda federaalka la shaqeyso labada gobol si loo bilaabo geedi socod dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu xalinayo xiisada labadan gobol oo marka la eego caqabadaha ka jira ay xiriir la yeelan karaan guud doorashooyinka dalka, si nidaamsanna wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee  labada gobol oo muddo dheerba soo jiitamayay  ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Machadka Heritage,

Qoraalka Machadka ayaa guud ahaan ka digay dagaal dalka ka dhici kara haddii aan wax xal ah laga gaarin xiisada siyaasadeed ka jirta doorashada ka hor inta aan la gaarin 8 bisha February oo ku eg muddo xileedka dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]