4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Shir laga yeeshay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga KMG ee Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaarradda iyo Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar.

Guddigan ayaa shirkooda uga arinsanayay sidii loo dhisi lahaa guddiga Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha kaddib markii uu Wasiirku kala diray maamulkii Rungta Ganacsiga.

Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ayaa sheegay in kulamo wadatashi ah oo maalmihii ugu danbeeyayba ay wadeen isla garteen dhismaha Rungta Ganacsiga oo sida uu hadalka u dhigay u dhan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa ganacasatada u balamay in ay isugu yimaadaan kulamo kale oo ay uga arinsanayaan sidii loo dhisi lahaa Rugta Ganacsiga sidoo kale la isugu keeni lahaa inta badan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulamadan ayaa imanaya xili Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu si KMG guddigan ugu magacaabay in ay sii wadaan shaqada Rungta, hasse ahaatee Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo mar arintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in uusan ka warqabin tallaabada Wasiirka balse la xalin doono wixii khilaafaad ah ee ka dhax jira Rungta Ganacsiga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]