4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Galmudug oo ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Al--shabaab

 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL)  - Mas'uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah oo lagu qaadayo xoogagga Ururka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah dhulka uu maamulkan ka arimiyo.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwa militariga iyo nabadsugida intaba diyaar u yihiin in ay Al-shabaab kula dagaalamaan deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan.

Maalmihii aynu soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobolka dagaal culus ku dhaxmareen dadka deegaanka iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab oo sidoo kale la wareegan gacan ku heynta qeybo ka mid ah degmooyin ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay maamusho Galmudug.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyayba siweyn ugu sii xoogeysanayay gobollada gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya kaddib markii ay isaga soo carareen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]