4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo daahfuray Dib u eegista Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka


Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Shirkii u horreeyay oo la xiriira Dib u eegista ,Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaabdhismeedka Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda ayaa maanta ka furmay caasimadda Muqdisho, iyadoo uu daahfuray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha Dawladda, khubaro saameynaysa qiimeynta iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha ay quseyso.

Guddoomiyaha guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa sheegay in marxalado kala duwan la soo maray inta ay socotay hannaanka horumarinta iyo mushaar bixinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, wuxuuna caddeeyay waqtigan dib u habeyntooda in laga hadlayo inay tilmaam ka bixinayso sida ay Dawladda uga go’antahay Shaqaalaha Rayidka inay noqdaan kuwa awood leh.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay Dawladda inay muddo 49 bilood ah si joogta ah u bixisay mushaaraadka Shaqaalaha, isagoo sheegay dib u qaabeyntana in laga dhaxlayo horumarinta iyo joogteynta tayada iyo xaquuqda Shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xaqiijiyay Dawladda inay sameysay dadaallo badan oo dib u habeyn loogu sameynayay  nidaamka iyo hannaanka maareynta Shaqaalaha Rayidka kuwaas oo ay ka mid tahay shuruuc iyo siyaasado la doonayo in lagu taaba galiyo sarena loogu qaado Dawlad wanaagga Hay’adaha Dawladda iyo adeegyada ay bixiyaan.

“Hadafka guud ee laga leeyahay qiimeynta iyo dibu eegista qaabdhismeedka darajooyinka iyo mushaarka waa helitaanka qaab dhismeedka Darajooyinka iyo mushaaraadka Shaqaalaha rayidka oo leh heerar deggan oo koritaan leh.” ayuu ku daray Wasiir Duraan Faarax.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah shirka u furay, wuxuu sheegay Xukuumadda inay ka go’antahay dib u habeynta Shaqaalaha Rayidka, wuxuu carabaabay muhiimada ay leedahay dib u qaabeynta oo uu sheegay inay dhaxalsiinayso hay’adaha Dawladda isla xisaabtan iyo koritaan wax qabad oo ka yimaada Shaqaalaha Rayidka.

Isagoo u mahadceliyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shirka soo qaban-qaabisay, wuxuu sheegay “In shirkan uu qeyb weyn ka yahay habeynta ballaaran ee ku socota dhisida maamul wanaagga iyo hufnaanta Hay’adaha Dawladda’.

Shirka oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa looga faaloon doonaa xaaladaha iyo caqabada hadda jira,iyadoo  ka dibna la soo bandhigayo sida loo sameynayo dib u eegistaan.

Iman jama, Hiiraan Online
[email protected]