4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Al-shabaab oo war ka soo saartay weerar lala eegtay guddoomiyaha Shabeelaha hoose iyo saraakiil ciidan

 

Axad  Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa war ka soo saartay weerar xoogan oo deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo saraakiil ciidan

Al-shabaab ayaa sheegay in kolonyada uu la socday guddoomiyaha sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ciidamada lagu magacaabo Bangaraafta ee uu tababaro Mareykanka.

Weerarkan oo ku bilaawday qarax miino ayeey sheegeen uu haleelay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay ku geeriyoodeen 4 Askari, halka sidoo kalana uu weerarkan ku dhaawacmay ayeey sheegeen taliyaha ciidanka Danab sarkaalka lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi  Beer Yare oo safarka ku wehlinayay guddoomiyaha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha dhaawacmay uu ka mid yahay taliyaha guutada 6aad ee ciidamada dowladda Federaalka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkan  ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]