4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Guddigii Puntland u xilsaartay kasoo talo bixinta dhibaatada lacagta shilin Soomaaliga oo go'aamo culus soo saaray
 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaartay kasoo talo bixinta qiimo dhaca ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ayaa galabta soo saaray go’aamo wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatay sicirka bararka dollarka iyo diidmada shilin Soomaaliga.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa soo saaray 12 qodob oo u arkaan inay soo celinayaan kalsoonadii lacagta shilin Soomaaliga, kadib markii ay u kuur galeen waxyaabaha sababay in shilin Soomaaliga la qaadan waayo.

Guddiga ayaa soo saaray in la xareeyo shilin Soomaali lagu qiimeeyay ku dhawaad 5 milyan oo dollar, si loo yareeyo xadiga shilin Soomaaliga ku jira suuqyada Puntland, waxaana lacagtaan lagu xarayndoonaa bankiga dhexe ee Puntland, waxaana iska kaashanaya maamulka iyo ganacsatada.

Guddiga ayaa go’aamiyay in 20% shilin Soomaali lagu qaado canshuurta dekeda Bosaso. Sidoo kale waxaa la fasaxay lacagihii taleefoonada la iskugu diri jiray ee horay loogu jaangooyay in aan la isku diri karin hal dollar iyo wax kayar.

Puntland ayaa tallaabo ka qaadidoonta cid kasta oo ku xad gudubta go'aamadan, waxaana sidoo kale sariflayaasha lagu amray in shati qaataan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]