4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Muwaadin Soomaliya oo 30 sano kaddib lagu wareejiyay gurigiisa oo qoys kale ay ka degenaayeen

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta furaha gurigiisa ku wareejiyay muwaadin Soomaaliyeed oo muddo 30 sano ah laga heystay.

Arrinta guriga oo ku yaala degmada Kaaraan ayaa dacwadisa waxaa ay gaartay ilaa heer maxkamadeed kaddib markii ay isku fahmi waayeen milkiilihii lahaa iyo waliba qoyska markaa degenaa.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Banaadir ayaa gurigiisa ku wareejiyay muwaadinkan iyadoo laga saaray qoyskii deganaa.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin in magaalada gudaheeda lagu heysto hanti qof kale leeyahay ama leysku baado sida uu hadalka u dhigay.

"Ma dhici doonto in guri ku yaala Muqdisho xoog lagu heysto inta aan xilka hayo”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Maxkamadaha dalka ayaa dacwadaha ugu badan ee horyaala ayaa ah guryaha leysku heysto, kuwaa oo qaarkood tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii ay iska degenaayeen qoysas aan aheyn dadkii lahaa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]