4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay wafdi uu horkacayo Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wafdiga Swan ayaa kulan gaar ah la yeelan doona madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xassan Maxamed oo lagu waddo in ay ka wadahadlaan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku laabtay magaalada Baydhabo kaddib kulamo uu madaxda dowladda kula yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana jiray warar soo baxaya oo sheegaya madaxweyne Lafta-gareen uu bilaabayo doorashada Aqalka Sare.

Beesha Caalamka ayaa ka diggay in la qabto doorasho aan loo dhameyn oo aysan ka qeybgalin dhinacyada ay quseyso oo idil.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]