4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Xafiiska caalamiga ah ee badaha oo ku baaqay in laga feejignaado burcad badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya
 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Hay'ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha badaha ayaa ugu baaqday maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan marka ay gudbayaan badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed.

Inkasta oo ay hoos u dhacday burcad-badeednimadii ka jirtay xeebaha Soomaaliya, ayaa haddana hay'addu waxay sheegtay in ay qatarta burcad badeednimada weli ka jirta Gacanka Guinea.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax weerarro burcad-badeednimo oo la soo sheegay sannadihii 2019 iyo 2020.

Sannadkii 2018, IMB waxay sheegtay in saddex markab ay soo sheegeen in lagu rasaaseeyay Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Soomaaliya, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

"In kasta oo fursadda dhacdooyinka ay yaraatay, haddana burcad-badeedda Soomaalida waxay wali leeyihiin awood iyo karti ay ku fuliyaan dhacdooyinka," ayay IMB ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah ee burcad-badeednimada, iyadoo sheegtay in qatarta ay weli ka jirto biyaha ku teedsan Koonfurta Badda Cas, Gacanka Cadan. oo ay ku jiraan Yemen iyo xeebta waqooyiga Soomaaliya, badda Carabta, Gacanka Cumaan iyo xeebta bari iyo koonfurta Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay IMB, burcad-badeedda Soomaalida waxay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu hubaysan hub otomaatig ah, bambooyin gacmeedyo mararka qaarkoodna laga yaabo inay afduubtaan maraakiibta kalluumeysiga ama doomaha.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku yimid dhacdooyinka burcad badeeda ay tahay taageero amni oo la siiyay shirkadaha maraakiibta isticmaala badweynta Hindiya oo sanadihii la soo dhaafay bartilmaameed u ahaa burcad badeeda.

Dhanka kale, 135 shaqaale ah ayaa laga afduubtay maraakiibtooda sanadkii 2020 adduunka, iyadoo gacanka Guinea ay ka dhigan tahay in ka badan boqolkiiba 95 tirada shaqaalaha la afduubtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]