4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Ra'iisal Wasare Rooble oo balanqaaday Amniga Shaqaalaha Turkiga iyo Qadar ee ku sugan Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu damaanad qaadeyso nabadgayda Shaqaalaha Turkiga iyo Qadar ee ku howlan fulinta mashaariicda kala duwan gudaha dalka Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa balanqaadkan sameeyay kaddib kulan uu la qaatay danjirayaasha labada dal ee ku sugan magaalada Muqdisho.

"Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo Safiirada Qadar iyo Turkiga oo aan uga mahadceliyo sida joogtada ah ee ay ula shaqeeyaan Soomaalida sida dhismaha wadada Mogdisho iyo Afgooye, waxaan u xaqiijiyay iyaga talaabooyinkeena amaanka ee dheeraadka ah si loo dedejiyo dhameystirka mashruuca." ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Dhinaca kale, Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa  sheegay in Ra'iisal Wasaaruhu uu ku amaanay shaqada adag iyo adkaysiga shaqaalahoda wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen injineerada Turkiga ee naftooda ku waayey falalkii argagixiso.

Shirkad Turkish ah ayaa dhisaysa waddadan ay maalgaliso Doha. Horraantii bishan, ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba u dhashay Turkiga, ayaa lagu dilay 14 kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday goob dhisme ah oo ku taal deegaanka Lafoole ee u dhow Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]