4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Madaxweynaha Puntland oo kala diray golihii deegaanka Gaalkacyo
 

Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo, sida lagu sheegay wareegto caawa kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Kala diristaan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii dhawaan shaqadii laga joojiyay duqii magaalada Gaalkacyo, Saahil Maxamuud Cali oo ay ku socotay baaris la xiriirta musuq maasuqa maaliyaddeed oo loo haysto.

Qoraalka kala dirista ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu tixgaliyay talo-soojeedinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo gun gaarka maxkamada sare.

24-kii Bishii march ee sanadkii 2019, ayaa la dhisay golaha deegaanka ee caawa la kala diray, waxayna xilka kala wareegay gole deegaanka ee kasii horeeyay oo iyagana la kala diray 17-kii November ee sanadkii 2018.

Magaalada Gaalkacyo waa meesha ugu badan ee golaheeda deegaanka la kala diro labadii sanaba, waxaana inta badan loo aaneeyaa is-qabqabsi dhexdooda  ah iyo maamul xumo.

Puntland oo sannadkaan isku diyaarinaysa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka axsaabta badan ayaa lagu wadaa in la kala diro dhamaaan golayaasha deegaanka, si loo helo gole deegaan oo ku yimaado doorasho dadweyne.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]