4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2021
Madaxweynaha Puntland oo senator Cabdiraxmaan Faroole u magacaabay Guddi qiimayn talo-bixin kasoo diyaariya qiimo dhaca iyo diidmada shilin soomaliga
 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Guddi qiimayn iyo talo-bixin kasoo diyaariya qiimo dhaca iyo diidmada lacagta shilinka soomaliga ah.

Magacaabiddiisa ayaa timid kadib shir maanta looga hadlayay xal u helida cabashooyinka lacagta shilin Soomaaliga oo madaxweynaha Puntland uu soo qaban qaabiyay iyadoo lagu casuumay Khuburo ku xeeldheer dhaqaalaha.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in ay muddo saddex cishe ah ku keenaan xal looga gudbi karo dhibaatada soo noqnoqotay ee ka taagan isticmaalka shilin Soomaaliga, kadib markii maamulku ku fashilmay in ay isbedel keenaan go’aamadii horey loo gaaray.

Puntland hadda lacagta shilin Soomaaliga lagama qaadanayo, waxayna saameyn xoogan ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku tiirsanaa lacagtaas, taasoo ah u ahayd dhaqaalahooda maalinlaha ah.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in maamulka u yeeray wasiiraddii hore ee maaliyadda Puntland, kuwaas oo laga doonayo in ay ku biirayaan habka caqabadan looga gudbi karo maadaama ay iyaguba lasoo kulmeen xilligoodii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]