4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Axmed Madoobe oo ka diggay in la qabto doorasho hal dhinac ah

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) -  Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka diggay in dalkani ka dhacdo doorasho hal dhinac ah.

Wuxuu sheegay in go'aankii shalay ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya uusan aheyn mid u wanaagsan dalka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in dib leysugu laabto la diyaariyo hannaan raali laga wadayahay oo doorashadu ku dhici karto.

''Waxaan ka digeynaa in dad gaar ah inta loo yeerto la yiraahdo doorashada qabto, iyadoo la diidayo in la wada hadlo oo xal laga gaaro arrimaha leysku hayo'' ayuu yiri Axmed Madoobey.

Mar uu soo hadal qaaday jawaabtii uu bixiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayuu sheegay in arintaasi aysan sax aheyn oo wax jawaab ah oo uu ku soo celiyay madaxweynaha Galmudug aysan jirin.

Dhankiisa ayuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu fuliyo heshiiskii 17kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho ee doorashada, laakiin waxaa uu taa badalkeeda sheegay in loo baahan yahay in marka hore laga wadahadlo arinta Gedo.

“Diyaar ayaan u nahay  inaan qabano doorasho,waana ina la abuuraa  jawi aan uga qaban karno doorasho gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey halkaasi maamul kama jiri amni kama jiro,waa in maamul goboleedka loo daayo doorashada,”ayuu sii raaciyay.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in looga baahan yahay dadka ku dhaqan gobolka Gedo in aan lagu kala qeybin siyaasaddaha dalka ka jira.

Hadalka Axmed Madoobey ayaa imanaya xili maalintii shalay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in la bilaabayo doorashada iyadoo aysan jirin cid danbe loo sugayo,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]