4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Afar askari oo katirsan ciidamada Kenya oo lagu dilay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya
 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan millatariga Kenya ayaa la dilay tiro kalane waa la dhaawacay kadib markii gawaaridooda lala eegtay qarax meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay Milatariga Kenya ayaa lagu xaqiijiyay weerarka iyadoo lagu sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday ciidamada Kenya ee ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyagoo ku safrayay wadada Dhoobley.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. Dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari, ”ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in dadka qaba dhaawacyada halista ah loo duulinayo magaalada Nairobi si loogu daweeyo.

Weerarka ayaa ku soo aadaya shan cishe ka hor sanad-guuradii shanaad ee weerarkii saldhigga ciidamada KDF ee deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

15-kii Jannaayo 2016, dagaalyahanno al-Shabaab ah oo aad u hubeysan ayaa xoog ku galay saldhigga millatariga Kenya ee Ceel-Cadde.

Alshabaab waxay ku guuleysteen inay la wareegaan saldhigga, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 150 askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]