4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Xassan Sheekh '' Go'aan hal dhinac ah wuxuu khatar ku yahay midnimada dalka

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud kana mid ah midowga musharixiinta dalka ayaa ayaa si adag uga jawaabay tallaabadii ay xukuumaddu ku go'aansatay in doorashada la qabanayo iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay go'aankaas mid khatar ku ah sida uu hadalka u dhiggay midnimada dalka, isaga oo sheegay in aan wax la aqbali karo aheyn in la qabto doorasho hal dhinac oo kaliya ka socta.

Wuxuu sheegay in dalku halis gali doono haddii lagu sii socdo go'aanka doorasho ee xukuumaddu ku dhawaaqday,  isaga oo intaa ku darray in aysan helin jawaabtii ay ka sugayeen dhinaca dowladda, laakiin ka war heleen oo kaliya go'aankan ay dowladdu qaadatay.

''Anagoo ka warsugeyna madaxdii ayeey warka aad aragteen soo saareen waa yimaadeen war qaarkiis qadaf ah;waalaga soconaa. dalkan hadda ayuu kal a taagan yahay Somaliland ayaa naga maqan oo la raadineyay.. qaar kalena in sabab loo abuuro ay gooni su taagaan sax maaha, qaddiyada doorshada ee maanta taagan waa hannaan u baahan kalsooni iyo wadar ogol, waxayna ku habooneyn in shir la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo ayuu yiri ” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa intaa ku darray in marnaba madaxweynaha u socon doonin in dadka qaarna uu yiraahdo waa laga maarmaa kuwa kalana uu ciidan ku daabulo si xoog loogu maquuniyo, isaga oo intaa ku darray in  mas'uuliyiintii ka hadashay doorashada aysan dadkoodu ku matalin go'aankaa isaga ah.

''Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay ayuu yiri” Xasan Sheekh.

''Masiirkan dalka Suuq Madow ma'aha. mana wadi karaa afar ruux oo is jecel, waan tallaada dib loo celinayaa mar kalana leysugu yimadaa shir'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xassan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ugu danbeyntii oo ka hadlay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne iyo meelaha kale ee dalka u qaadanayaa micnahooda in doorashada lagu boobo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]