4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii labaad ee maanta ka dhacay Muqdisho
 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) -  Qarax jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay deegaanka Daarusalaam kaasoo lala beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala eegtay gaari uu saarna guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif xili uu marayay deegaanka Daarusalaam.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda HOL u sheegay in qaraxaasi miino uu ka badbaaday guddoomiyaha Yaaqshiid iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la socday guddoomiye Axmed Cabdullaahi.

Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas xoogan lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi miino iyo rasaasta aay fureen ciidamada dowladda, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Qaraxan uu ka badbaaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo saraakiishii la socotay ayaa kusoo beegmaya xili saaka qarax miino uu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo lala beegsaday gaari aay saarnayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]