4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 28, 2021
Qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) -  Qaraxa oo jugtiisa siweyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Isgoyska KM4 gaar ahaan waddada gasha safaaraddii hore ee Turkiga agagaarka xaruntii hore ee madaxtooyada Cabdiqaasim.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay khasaare aan wali la xaqiijin inta uu la eg yahay sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo goobta taggay ayaa markiiba xiray taasoo keentay in uu istaago isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa dhowr la sheegay in ay taggeen goobta iyaga oo halkaa ka qaaday dad ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxan

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]