4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Wararkii ugu danbeeyay xaalada Covid 19 ee Soomaaliya

 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) -Wasaarrada Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 48 saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 laga helay guud ahaan dalka Soomaaliya 304 ruux.

Gobolka Banaadir ayaa cudurkan laga helay dad gaaraya 147 Hirshabelle, 77  Somaliland, 53.Jubaland, 15, Galmudug, 7  Koonfur Galbeed, 5, iyadoo wadarguud dadka laga helay cudurkan ay noqonayaan 304 ruux.

Wasaarradda ayaa sidoo kale sheegtay in  48 dii saac ee la soo dhaafay ay cudurkan u geriyoodeen dad gaaraya ilaa 8 ruux.

Wasaarradda ayaa ku boorisay dadka in ay u hoggaansamaan fariimaha ka hortagga cudurka, iyadoo aad moodo in aysan dadku xil gaar ah iska saarin arrintan

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]