4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa isla qaatay xiyaarad ka dhan ah saddex horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida lagu sheegay bayaan Goluhu uu soo saaray 26kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay.

Horjoogayaashan la sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay, oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ururka Al-shabaab.

Talaabadan Golaha amaanku uu xayiraadka ku saaran horjoogayaashan ka tirsan Al-shabaab ayaa imaneysa kaddib markii ay sidaa ka codsatay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu diray Liiska kooxaha iyo xubnaha argagixisada.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka  Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin weyn ku dhax leh dhaqdhaqaaqa kooxda, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]