4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Ilhan Cumar oo ku baaqday cunaqabateyn ka dhan ah dhaxalsugaha Sacuudiga

 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) -  Ihaan Cumar oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka Kongreeska (Congress) dalka Mareykanka ayaa ku baaqday cunaqabateyn ka dhan ah dhaxalsugaha Boqortooyada dalka Sacuudiga.

Baaqa Ilhaan Cumar ayaa imanaya kaddib markii qoraal ka soo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu dilay Wariye Jamaal Khaashuuqi.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa iska diiday eedeyntan ugu timid Sirdoonka dalka Mareykanka ee ka dhanka ah dilka Wariye Khaashuuqi oo lagu dhax dilay safaaradda Sacuudiga ee magaalada Istanbul  sanadkii 2018kii.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]