4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2021
Amiirka dhaxalsugaha Sucuudiga oo lagu eedeeyay in uu amray dilkii Jamaal Khaashuqji

 

Sabti, Feberaayo, 27, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay warbiixn la xiriirta qaabkii u dhacay dilkii Wariyihii weynaa ee reer Sacuudi Jamaal Kaashuqii, iyo waliba cidda ka danbeysay dilkaasi.

Warbixin uu Mareykanku soo saaray ayaa lagu sheegay  in sirdoonka dalkaasi ogaadeen in in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in "la soo qabto ama la dilo" weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka,  waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday in uu armay dilka.

Laakiin dowladda Sacuudiga ayaa markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka Wariyaha ayaa waxaa ay si is daba joog ah u beenisay in ay wax lug ah ku laheyd, gaar ahaan waxaa arintaa iska fogeeyay amiirka leh dhaxalka Boqortooyada dalkaasi Sacuudiga.

Warbixinta oo lagu daabacay Bogga BBC ayaa lagu yiri "Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji," warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Lama oga jawaabta uu ka bixin doono arintan Maxamed Bin Salmaan oo sirdoonka Mareykanku eedeeyay in uu isagu lahaa amarka dilka wariyaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]