4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2021
Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu Aasay Khabuuraha Daaro Ugaas


Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Allaha u naxariiste waxaa galinkii dambe ee maanta lagu aasay qabuuraha Daaro Ugaas oo ku yaala duleedka Degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa 23-kii bishan ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kadib markii uu istaagay Wadnaha sida aay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta Caafimaadka.

Aaska Marxuumka waxaa kasoo qeyb galay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadaba kuwaas oo si wadajir ah ugu duceeyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif inuu Eebe weyne siiyo naxariistiisa Janno.

Alle ha u naxariiste Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa talada Saldanada Beelweynta Xawaadle loo caleema saaray 25-kii bishii Jully 2016-kii waxuuna sidaas ku noqday Ugaaskii 20-aad ee Saldanada Beelweynta Xawaadle.

Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxa uu ku dhashay Degmada buulaburte sanadkii 1946-dii waxuuna ahaa marxuumka Ugaas aqoon sarre leh oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaliyada, waxuuna si gaar ah usoo maamulay dekadaha Muqdisho Boosaaso, Kismaayo, iyo Berbera.

Ugu dambeyntii Allah u naxariiste Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble hoygiisa dhabta ah ayaa la geeyay galabta galinkii dambe, waxaana Caawa magaalada Baledweyne dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah boqolaalkii ruux ee aaskiisa uga qeyb galay deeganka Daaro Ugaas ee duleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]