Puntland iyo Jubbaland oo soo dhoweeyay heshiiskii Muqdisho ku dhex maray dowladda federalka iyo Midowga musharrixiinta
 

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta soo dhoweeyay heshiishkii shalay magaalada Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxweynaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay labada maamul ayaa lagu sheegay, in ay ka rajaynayaan dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in ay dowladdu la imaato xalka caqabadaha ku xeeran shirka wadatashiga.

Labada maamul waxay sheegeen in ay doonayaan qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka.

Jubaland waxay ugu baaqday Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista doorashada.

Puntland waxay soo dhowwaysay in dowladda federalka ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mugdisho, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]





Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Allaha u naxariiste waxaa galinkii dambe ee maanta lagu aasay qabuuraha Daaro Ugaas oo ku yaala duleedka Degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo booqday xarunta Dugsiga Hoyga Xamar wax lala yaabo ku tilmaamay talaabo burburin ah oo qaar ka mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kula dhaqaaqeen Dugsiga Hoyga Xamar oo ka mid ah Dugsiyada Waxbarasho ee ugu caansan magaalada Muqdisho.

Jimco, Feberaayo, 26,2021 (HOL) Turkiga ayaa ka shaqeynaya sidii Soomaaliya iyo Kenya la isugu keeni lahaa miiska wada hadalka ,sida ay oggaatay HOL.

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xalay dhaxmaray Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxaa goordhaw soo gabagabowday Salaada Jannaasadda lagula Tukaday Meydka Ugaas xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka Soomaaliya. 2007.

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Wakiiladda Beesha caalamka aya soo dhaweeyay heshiiskii xalay xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Somali News

2/26/2021 12:38 PM EST
Mogadishu (HOL) - Puntland and Jubbaland today welcomed the agreement reached on Thursday in Mogadishu between the Federal Government of Somalia and the Council of Presidential Candidates.

2/26/2021 8:46 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia's Police Commissioner, Major General Abdi Hassan Mohamed Hijaar, has called the destruction of a shelter school by government forces in Mogadishu's city centre "illegal."

2/26/2021 8:04 AM EST
Mogadishu (HOL) - Talks between the federal government and the opposition candidates made a breakthrough on Thursday after meeting in Mogadishu, potentially averting another bloody day of protests.

2/26/2021 7:23 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A resurgence of COVID-19 cases is hitting Somalia hard, straining one of the world’s most fragile health systems, while officials await test results to show whether a more infectious variant of the coronavirus is spreading.

2/26/2021 4:17 AM EST
ANKARA (HOL) - Turkey is working on bringing Somalia and Kenya to the negotiating table on the ongoing maritime row even as the case enters the home stretch at the International Court of Justice, HOL has learnt.

2/26/2021 12:40 AM EST
A community of Somali Bantu farmers struggled for land security until the farm justice activists of the Agrarian Trust lent a hand

2/26/2021 12:27 AM EST
Dar'ül Eytam Foundation also provides financial support to over 500 orphans

2/26/2021 12:22 AM EST
Shukri Adan left Somalia after her uncle was killed - now she feeds over 300 people a week to help them during the pandemic

2/26/2021 12:12 AM EST
African Union peacekeeping forces known as AMISOM have been in Somalia since 2007

2/26/2021 12:07 AM EST
At 19 years old, Asha Mohamed is divorced and drives a taxi in Somalia, defying conventions to support her family in one of the world's most conservative and dangerous countries.
Click here