4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2021
Beesha caalamka oo soo dhaweysay heshiiskii Xukuumadda iyo Mucaaradka

 

Jimco, Feberaayo, 26, 2021 (HOL) - Wakiiladda Beesha caalamka aya soo dhaweeyay heshiiskii xalay xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri ''“Waxaa si diirran u soo dhaweyneynaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxaan bogaadineynaa islamarkaana u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, 

Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku dhiirra galinayso dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag.

Heshiiskii ay xalay gaareen xukuumadda iyo madaxda midowga Musharixiinta ayaa sababay in maanta dib loo dhiggo dibadbax qorshuhu ahaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]