4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Shir lagaga hadlayay arrimaha duurjoogta oo lagu qabtay Jigjiga
 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir lagaga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa Duurjoogta ku nool dhulka ballaaran ee u dhaxeeya degaanada Soomaalida iyo Oromada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra'iisal wasaarihii hore ee Itoobiya H/maaryaam dhasaalayn, Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa, iyo mas'uuliyiin kasocotay degaanka Oromiya.

Madaxwayne Mustafe cagjar oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada hadlo sidii xalwaara loogu heli lahaa duurjoogta, isla markaana la ilaaliyo duurjoogta uu kamid yahay Maroodgu ee ku nool aagga Baabili.

Dhankiisa H/maaram dhasaalayn ayaa isaguna xusay in  isbaddalka cimilada  ee dunida saameysay lagaga bixi karo ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta ku nool.

Degaanka Soomalida ayaa hodan ku ah duurjoog badan iyo waliba goobo dalxiis oo soo jiidan kara indhaha caalamka, iyadoo shacabkana looga baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa duurjoogtaas.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]