4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Isfaham hor dhac ah oo laga gaaray shirka RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta

 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) -  Warar hor dhac ah oo ka soo baxay kulanka RW Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in isfaham hor dhac ah laga gaaray wada hadallada labada dhinac

Kulanka oo intiisa badan looga wada hadlay arrimaha doorashada, dibadbaxa ay ku baaqeen mucaaradka iyo waliba dhacdadii 19kii bishan ee magaalada Muqdisho, ayeey wararku sheegayaan in Ra'iisal Wasaare Rooble garwaaqsaday qaar ka mid ah sharuudaha Midowga Musharixiinta.

Xukuumadda ayaa dhankeeda ka dalbatay Midowga Musharixiinta in dib loo dhigo dibadbaxa maalinta Berri ah ay ku baaqeeyeen Midowga Musharixiinta si laamaha Amniga waqti loogu siiyo in ilaaliyaan nabadgalyada dibadbax nabdoon oo ay dhigtaan mucaaradka.

 

Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaare Rooble aqbalay in guddi baaritaan ku sameeya loo saaro dhacdadii 19kii bishan ciidamada dowladda ay isku hortaageen dibadbax ay horkacayeen qaar ka mid ah midowga Musharixiinta.

Lama oga wali in dhinaca Musharixiintu aqbaleen soo jeedinta dhinaca Xukuumadda ee ah in la baajiyo dibadbaxa maalinta Barri ah.

Mar uu kulanka soo dhamaado ayaa la filayaa in labada dhinacba war ka soo saaraan qoddobadii leysku afgartay waxa ka soo baxay shirka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]