4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Xisbiga Waddani oo hal dabala u yimi magaalada Laascaanood


Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Madaxda xisbi siyaasadeedka Waddani ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood iyagoo gelbinayey musharax galaha wakiiladda ahna sidoo kale musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Kumanaan dadweyne ah oo wata gaadiid uu ku shaqlan yahay astaamaha xisbiga ee leh midabka Liinta ayaa soo dhoweyntu waxa ay ka bilaabantay magaalada Daarasalaam ax Guumeys oo todobaatameeyo kiiloomitir waqooyi kaga quman Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Masuuliyiinta Xisbiga ayaa hadalo ay u jeediyeen bulshadii soo dhoweysey ayaa waxa ay sheegeen in ay maanta garab taagan yihiin masuul muhiim u ah kaas oo u sharaxan gudoomiyaha galaha wakiilada in iyaga laga rabo in ay cod siiyaana in laga rabo ayay u soo jeediyeen.

Masuuliyiin, Cuqaal iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si weyn u soo dhoweeyeen muharax Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo ah nin mansab weyn ku leh guud ahaan gobolka Sool, waxaanay si weyn u xuseen kaalmaha lagu xusuusto masuulkan.

Musharax Cabdirisaaq oo ka mid ah hantiilayaasha degaankan ka soo, waana siyaasi heer wasiir ka soo maray Somaliland, waxaana dadku si aad ah u hadal hayaan  inuu yahay nin deeq badan  isla markaana ku darsaday ayaa layidhaahdaa Geesinimo iyo Naxariis uu dheeryahay hantiilayaasha.

Mashaakilka haatan taagan ayaa ah labada nin ee doonaya in ay u tartamaan kursiga gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka soo wada jeeda hal jifo hoosaad waa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir iyo Cabdirisaaq Khaliif.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood
[email protected]