4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Cabdiweli Gaas: Waa in laga hor yimaado in dadka xoriyadooda la caburiyo oo dib loogu celiyo digtaatooriyad
 

Khamiis, Feberaayo, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Proff. Cabdiweli Gaas ayaa soo dhoweeyay mudaharaadka musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ay ku baaqeen oo maalinta berri ah ka dhicidoona Muqdisho.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siinayay Universal tv, isagoo ku sugan Maraykanka, ayuu sheegay in marnaba dowladdu aysan joojin karin mudaharaadka, iyadoo cudur daar kaga dhigaysa cudurka Covid-19.

“Bannaanbaxu waa qeyb kamid ah dimuqraadiyadda, musharrixiintuna xaq ayay u leeyihiin in ay aragtidooda muujiyaan, Waxaan qabaa in laga hor yimaado in dadka xoriyadooda la caburiyo oo dib loogu celiyo digtaatooriyadii lagasoo gudbay,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Proff. Gaas waxa uu sheegay in la samayn karo mudaharaadka iyadoo dhinaca kale laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19, wuxuuna tilmaamay haddii dowladdu diido in cawaaqib xumo ka dhalan karto.

“Dadka Soomaaliyeed in ay xoriyad u hadlaan dhiig badan ayaa u soo daatay. 20 sano in ka badan ayay dadku ku hoos jireen dulmi iyo xoriyad la’aan. Maanta haddii la isku dayo in dib loogu celiyo, waan kasoo horjeednaa,” ayuu yiri Gaas.

Hadalka madaxweyne hore Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda federalka ay shaacisay in marnaba uusan dhicidoonin wax isku imaad ah, halka midowga musharrixiintuna ku adkaysanayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]