4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Wararkii ugu dambeyay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Baledweyne
 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Barkoontarool oo aay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

Qofka ku dhaawacmay Bambaanada lagu weeraray Bartakoontarool ee ciidanka Buundaweyn ayaa ah haweeney Jaad ku iibineysay nawaaxiga koontaroolka ciidanka, waxaana la sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray dhanka dhuunta iyadoo qofkii Bamka tuurayna uu goobta ka baxsaday.

Bartakoontarool ee Caawa Bam gacmeedka lagu weeraray ayaa ku taala afaafka hore ee Buundada xaafada Buundaweyn waana markii labaad ee bishaan gudaheeda lagu weerarayo Bambada nooca gacanta laga tuuro.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]